Af soomaali

Moderat-ku waa xisbi ay leedahay Iswiidhan oo dhani. Waxa aanu u shaqaynaa xorriyadda dadka. Caddaanta qiimayntayada, la joogidda nolol maalmeedka dadka iyo fahamsanaanta dhibaatooyinka bulsho ee xilligeena, ayey Moderat-ku ka raadinayaan jawaabaha sida ay Iswiidhan waddan fiican ugu noqon karto dadka oo dhan

Moderat-ka iyo dhinaca:

dad badan oo shaqeeya | la dagaalanka dambiyada | iskuulka | isdhexgalka | dhinaca bay´ada iyo cimilada | daryeelka caafimaadka

Moderat-ka iyo dhinaca: Dad badan oo shaqeeya

Qalalaasaha dhaqaaluhu wuxu ku habsaday adduunka oo dhan. Waxa muhiim ah in saamaynta xaaladdaas adag ay noqoto sida ugu yar ee suurtagalka ah iyo in aynu abuurno fursado shaqooyin badan lagu helo mustaqbalka. Marka xaaladdan dhaqaale isbedesho waa in ay shuruudaha shaqooyin cusub lagu abuuri lahaa ahaadaan qaar aad u wanaagsan.

Waa in ay noqoto wax sahlan oo raqiis ah in dad la shaqaaleeyo

Si dad badani u helaan shaqo, waa in aynu lahaano siyaasad cad oo dhinaca shaqooyinka badan ah. Si aynu u guulaysanno looma baahna hal ama laba wax oo yaryar hagaajintooda, balse waxa jira waxyaalo badan oo wax ka taraya siyaasad shaqo oo wanaagsan.

Si shaqooyin badan loo helo waa in ay jirto cid rabta in ay shaqo bixiso. Sidaas darted waxa ay meesha ka saartay dawladdan ay Moderat-ku hoggaamiyaan caqabado badan oo dadka ku adkaynayey soo gelidda suuqa shaqada. Khidmadihii shaqo-bixiyaha waa laga dhimay dhammaan, laakiin dadka qaarkood ayaa aad looga yareeyey. Qofkii muddo dheer bilaa shaqo ahaa ama si kale uga fogaa suuqa shaqada waxa loo soo rogay wax lagu magacaabo shaqo bilawa cusub ah (nystartsjobb). Taas macneheedu waxa weeye in shaqo bixiyuhu taageero ku helayo shaqaalaynta qof muddo dheer ka maqnaa suuqa shaqada. Qofka da´yarta ahna waxa laga dhimayaa khidmadda shaqobixiyaha. Ujeedada taas laga leeyahay waa in shaqobixiyeyaal badani ku dhiirradaan rabitaanka shaqo siinta dad badan.

Shuruudaha badankoodu horeba way u sii jireen. Qasnadda shaqo-la´aantu waxay weligeed ahayd mid loogu talogalay in ay caymis u ahaato shaqo dib u bilaabid marka bilaa shaqo la noqdo, haddana waxa ay u shaqaysaa sidii loogu talogalay. Hadda waxa jira hadafyo cadcad oo ah dhinaca taageerada shaqaalaysiinta, is waafajinta shaqobixiyaha iyo shaqo-qaataha iyo taageerada sidii qofka shaqolaawe noday uu shaqo cusub ku heli lahaa. Waxa la sameeyey dib u habayn saamaynaysa tirada xoogga shaqaale, baahida loo qabo xoog shaqaale iyo iswaafajinta shaqo-qaataha iyo shaqo bixiyaha. Tusaale ahaan xafiiska shaqadu waxa uu hadda helay nadaam waxqabad leh iyo adeegyo cusub oo uu ku shaqeeyo. shaqada cusub ee bilawga ah, maalgelinaha kala duwan ee dhalinyarada bilaa shaqada ah iyo ka shaqaynta in cid aan xafiiska shaqada ahayni ka shaqayn karto suuqgeynta shaqooyinka, waa maalgelino muhiim u ah in dad badani ku soo laaban karaan suuqa shaqada.

Waxa aanu rabnaa in aanu abuurno fursado shaqo oo badan

Waxanu sidoo kale rabnaa in aanu ka dhigno suuqa shaqada mid ballaaran oo aannu abuurno fursado shaqo oo badan. Shaqooyin badan oo cusub waxa la abuurayaa marka hadda cashuurta laga dhimo iibsiga adeegyada laga fulinayo guriga sida nadaafadda iyo carruur haynta. Sidaas ayey ku noqonayaan shaqooyin dhab ah, halkii dadku ay ka iibsan lahaayeen adeegyo aanay wax cashuur ah ka bixin. Waxa kale oo dhacaysa in shirkado cusub la dhiso. Suuqa shaqadu wuxu noqonayaa mid dhaqdhaqaaq badan oo horumar badan marka la hagaajiyo fursadaha dumarka ganacsatada ah ee dhinaca caafimaadka iyo xannaanada. Waxa kale oo aanu rabnaa in ay sii jirto waxa lagu magacaabo ROT-avdraget oo macneheedu yahay in la samayn karo cashuur dhimid tusaale ahaan marka dib u dhis ama dayac-tir lagu samaynayo guriga. Waxa ay abuuraysaa shaqooyin badan oo dhinaca dhismaha ah.

Waxa aanu rabnaa in aanu maalgelinno aqoonta

Si loo abuuro mustaqbalka suuq shaqo oo wanaagsan waxa muhiim ah in la maalgeliyo waxbarashada. Waa in aynu mar labaad fiirinno in aynu xoogga saarno aqoon iyo waxbarasho badan oo dhinaca iskuullada iyo jaamacadaha ah.

Waxa kale oo muhiim ah in ay dad badani doonaan in ay shaqeeyaan oo galaan suuqa shaqada. Waa in la dareemo faraqa u dhexeeya marka la shaqeeyo iyo marka aan la shaqaynin. Tallaabada afraad ee dhimidda cashuurta shaqada, yacnii cashuur dhimidda lagu sameeyo dakhliyada shaqo, waxa ay ka dhigaysaa shaqaynta mid faa´iido badan marka la barbardhigo wakhtigii hore.

Moderat-ku waxa ay doonayaan:

  • In ay ahaato wax sahlan oo raqiis ah in cid la shaqaaleeyaa.
  • In iswaafajinta shaqo-bixiyaha iyo dadka shaqo raadiska ah la fududeeyo.
  • In ay sii badato faa´iidada shaqayntu ayadoo la marayo tallaabada afraad ee dhimidda cashuurta shaqada.
     
Moderat-ka iyo dhinaca: la dagaalanka dambiyada

Waxyaalo tiro yar ayaa u xanniba nolosha iyo xorriyadda dadka sida dagaalka iyo dambiyada. Moderat-ku waxa ay rabaan in ay Iswiidhan noqoto waddan xasilloon. Dib u habayntayadu waxay ku wajahantahay in la yareeyo dambiyada la gelayo iyo in dembiyo badan la kashifo. Maalgelintayada ah in dad badani shaqeeyaan iyo in iskuullo fiican la helo waxa ay macno u samaynaysaa yaraynta halista ah in dadku dhexgaal dambiyo.

Xasillooni la kordhaysa badinta booliska

Natiijo ka dhalatay siyaasadda dawladda darteed, waxa hadda lagu wadaa boliska maalgelin aad u weyn. Sanadka 2010 waxa dalku yeelanayaa 20 000 oo boolis ah, waxay ku dhawdahay 3000 oo booliis ah oo dheeraad ah marka la barbardhigo doorashadii 2006. Waxa arrinkaas laga dareemi doonaa waddanka oo dhan. Boolis fara badan ayaa xaadir ku ahaanaya meesha dembiyada lagu galo. In boolis badani kala qaybqaataan dadka nolol maalmeedka waxa ay keenaysaa in ay fiicnaato ka hortegidda dambiyada iyo xasilloonida oo korodha. Dembiyadu mar walba waa ay dhacayaan, laakiin hadda boolisku waxa ay haystaan fursado fiican oo ay ku joogaan goobta looga baahanyahay iyo wakhtiga loo baahanyahya.

Ciqaab adag – daryeel dambiile oo wax ku ool ah

Waxa aanu rabnaa ciqaab macquul ah oo caddaalad ah. Ciqaabtu waxa ay le´egaan doontaa halista dembiga, waxaanay ka turjumi doontaa aragtida bulshada ee dembigaas. Ciqaab adag in la duldhigo dambiyada dagaalka la isticmaalo waa isbedel muhiim ah oo ay Moderat-ku wakhti badan doonayeen in ay arkaan. Waa la adkaynayaa ciqaabta tusaale ahaan dinaca jidh dilka, kufsiga iyo ku xadgudubka xasilloonida haweenka. Waxa aanu kor u qaadi doonaa difaacidda dadka dhibaataysan.

Daryeelka dambiileyaashu wuxu yeelan doonaa nuxur macno leh oo ah waxbarasho, shaqo, iyo daweyn, taas oo u diyaargaraynaysa nolol bilaa dembi ah. Dad badan oo la xukumay ayaa uga bixi kari doona fadhiga jeelka in ay shaqeeyaan.

Maalgelinta ka hor tagga dembiyada dhalinyarada

Waxqabadka goor hore lagaga hortago dembiyada dhalinyarada, wuxu ka baajinayaa dambiyo ay galaan mustaqbalka. Dhalinyarada jebisa sharciyada waxa lagula kulmi doonaa falcelisyo cadcad. Tusaale ahaan dembiyo badan oo ay galaan da´yarta ka yar 15 jir, waxa baadhi doona booliska. Ujeedadu ma aha in la ciqaabo ee waa in la calaamadiyo halista loona sameeyo saldhig sax ah waxqabadka bulsho. Dhibbanaha waxay u leedahay qiimo muhiim ah, waxaanay mararka qaar kor u qaadaysaa fursadaha magdhow la siiyo.

Moderat-ky waxa ay doonayaan:

<

  • Kordhinta tirada booliska oo ahaa 17000 sanadkii 2006 ilaa 20 000 sanadka 2010.
  • Adkaynta ciqaabta dambiyada waaweyn ee dagaalka la isticmaalo.
  • In lagala hortago dambiyada da´yarta waxqabad degdeg ah oo cad.
  • In la tixgeliyo danaha dhibbanaha.
  • In dambiyada lagaga hortago dad badan oo shaqeeya iyo iskuullo fiican
     
Moderat-ka iyo dhinaca: iskuulka

Wax badan oo ka mid ah waxa aanu la rabno dalkeena waxa ay ka bilaabmayaan iskuulka. Iskuul wanaagsani wuxu shardi u yahay in la difaaco bulshadeena iyo in aynu siin karno dadka oo dhan – meesha uu doona ha ka soo jeedo eh- fursad ay ku horumarin karaan kartiyahooda.

Maalgelinta akhriska-qorista-xisaabinta

Dawladdu waxa ay fulinaysaa waxqabad dhinaca iskuulka ah oo xoogga saaraya fasallada 1-3. Muddo saddex sano gudahood ah ayaa la isticmaali doonaa 900 oo milyan oo karoon si loo hagaajiyo aqoonta aasaasiga ah ee ardayda. Taasi waxa ay u dhigantaa maalgelin ah 1000 kr ardaygii iyo sanadkii. Dhammaan ardaydu waa in ay karaan akhriska, qoraalka iyo xisaabinta marka ay ka baxaan fasalka saddexaad.

Kor u qaadidda macallimiinta

Kaalinta macallimiintu waa ay isbedeshay oo maanta waa ay ka muhiimsantahay wakhtiyadii abid la soo maray. Cilmi-baadhistu waxa ay muujinaysaa in ay aqoonta macallimiintu tahay waxa ugu muhiimsan in la gaadho natiijo waxbarasho oo wanaagsan. Hagaajinta iskuulka waxa shardi u ah in tayada waxbarashada macalimiinta iyo waxbarashadooda degdegga ah la hagaajiyo iyo in uu iskuulku ku dhiirrigeliyo macallimiinta u soo bandhigidda waxbarasho soo noqnoqota oo degdeg ah. Sidaasi darteed ayey dawladdu u dooratay in ay ku maalgeliso kor u qaadidda macallimiita 3,6 milyaar, kumanaan macalimiin ayaa waxbarasho degdeg ah la siinayaa inta lagu jiro xilligan doorashooyinka u dhaxaysa. Macallinka wanaagsani wuxu u dallicinayaa ardayda heerar cusub.

Degenaan shaqo waa inay iskuulka ka jirto

Shardi kale oo muhiim u ah iskuulka wanaagsan waa degenaansho shaqo. Shaqada macallimiinta ee ah in la abuuro jawi waxbarasho oo wanaagsan, waxa u sahlaya inay fursad u yeeshaan gacan ku dhigidda walxaha wax dhabqinaya sida telefoonada gacanta oo kale. Waxa intaas dheer in ilaa 2010 – ka lagu maalgeliyo 40 milyan la dagaallanka isdhibaataynta ardayda. Ardayga kadeed ardayda kale waxa hadda lagu qasbi karaa in uu iskuulka bedesho.

Iskuul hal abuurid leh

Waxa aanu rabnaa in dhallinyaro badani ay fursad u helaan in ay bartaan noocyada dhaqanka sida tiyaatarka, qoob ka ciyaarka, farshaxanka iyo hawlaha matxafka. Waxqabadku wuxu ku wajahanyahay ardayda dugsiyada dhexe maxaa yeelay waa fac uu ku badanyahay xiisaha dhaqanku laakiin aan haysan hantidii kaalmayn lahayd.

Moderat-ku waxa ay doonayaan

<

  • In shahaado la bixiyo laga bilaabo fasalka lixaad iyo in darajooyinka shahaadadu ka koobnaadaan jaranjarrooyin ka badan kuwa hadda jira
  • In lagu soo rogo fasallada 3 iyo 6 itixaan heer qaran ah oo Af Iswiidhishka iyo xisaabta ah iyo weliba itixaanno badan oo fasalka 9 ah
  • In la helo dugsi sare oo cusub
     
Moderat-ka iyo dhinaca: isdhexgalka

Dadka soo gelootiga ahi waa hanti weyn oo dal helo, haddii dadka soo gelaya la siiyo fursad ay ku horumaraan oo ay wax ku soo kordhin karaan barwaaqo sooranka. Waxa aannu hadda bilownay ka shaqaynta bulsho si fiican isu dhexgasha laakiin weli waxbadan ayaa dhiman. Cunsur horumar oo muhiim ahi waa in la burburiyo takoornaanta. In uu shaqo haysto ayuu qofku isku masruufi karaa oo uu talada naftiisa kula wareegi karaa. In uu qofku shaqeeyo wuxu si fiican ugu baranayaa afka, waxanu si sahlan ugu dhexgelayaa bulshada. Laakiin dad badan oo soo gelooti ahi in ay galaan suuqa shaqada, shardi uma aha uun isbedello suuqa shaqada ah oo guud balse waxa kale oo loo baahanyahay ilbixinta iyo barashada Af Iswiidhishka oo la horumariyo.

In ay yaraato takoornaantu

Dib u habaynta suuqa shaqada ee dawladda isbahaysiga iyo moderat-ku, waxa ay soo kordhiyeen suuq shaqo oo inta ugu badan shaqooyinka kordhay ay heleen dadka waddamada kale ku dhashay. Furaha in dad badan la shaqo geliyo waa siyaasadda suuq shaqada ee ah inay faa´iido keenayso in la shaqaystaa.

Bilowga cusub ee shaqo

Si dadka dhawaanta soo galay Iswiidhan ay si dhakhso ah shaqo ugu helaan oo ay ula qabsadaan suuqa shaqada, waxa ay dawladda isbahaysigu soo rogtay shaqooyin suuq ku gal ah. Taas macneheedu waxa weeye in ay dawladdu si xoogle u gunnaynayso qarashaadka mushahar ee ku baxaya soo gelootiga cusub ee shaqo hela. Shaqooyinka suuq ku galka ah waxa lagu lammaanaynayaa baritaan suuqa shaqada ah oo gacan haye leh oo ay weheliso barashada Af Iswiidhishku. Taasi waxa ay gacan ka geysanaysaa inay dadka waddamada kale ku dhashay si dhakhso ah u galaan suuqa shaqada. Marka lagu daro shaqada suuq ku galka ah, waxa fududaanaya in qofku ka baxo cayrta oo ubaxo xagga shaqada.

Qiimayn iyo xukumid wanaagsan

Iswiidhan waa in ay hagaajiso qiimaynta iyo xukumidda waxbarashooyinka jaamacadaha dadka ku dhashay waddamada kale. Maanta waxa badan dadka aan wax fursad ah u haysan in ay sax u helaan helaan naftooda, maxaa yeelay waxa la la´yahay aqoon lagu xukumo waayo-aragnimadooda xirfadeed iyo aqoontooda.

Startsvenska oo ah si aqoonta afka loo hagaajiyo

Waxa aanu rabnaa in jidka shaqadu ku calaamadsanaado xiitaa barashada luqadda ee dadka cusub. Barashada luqadda ee maanta, Af iswiidhishka qaxootiga, SFI wuxu noqday qaab waxbarasho oo aad u takooran, dhigitaanka afkuna wuxu xidhiidh aad u taag daran la leeyahay suuqa shaqada. Waxa aanu doonaynaa in SFI-ga hadda jira lagu bedelo Af iswiidhishka bilowga ah (startsvenska)-waa luqad barasho jihaysan oo ka duulaysa waxbarashada ama shaqada uu qofku ka rajaynayo in uu Iswiidhan ka helo. Iswiidhishka bilowga ah waxa lagu lammaanayn karaa shaqo, barasho xirafeed ama goob tababarasho shaqo, waxaanay ahaanaysaa mid u qaabaysan si shakhsi ah.

Ilbixinta cusub ee soo gelootiga cusub

Ilbixinta dadka soo gelootiga cusub ah wuxu muddo dheer ahaa mid dhaliilo badan. Wuxu jiray muddo dheer, wuxuna ka baaqsaday in uu soo saaro kartida aqooneed ee dadka, waxaanu wax aad u yar geliyey shaqada shakhsiga ah. Sidaas darteed wuxu isbahaysigu ku sameeyey nadaamka ilbixinta isbedelkii ugu weynaa tan iyo 80-maadkii. Dib u habayntan wuxu macneheedu yahay tusaale ahaan in uu xafiiska shaqadu kala wareego degmooyinka masuuliyadda guud si uu u cadcaddeeyo khadka shaqada. Marka sharciga degenaanshaha la helo waxa la dejinayaa qorshe aasaasi ah oo shakhsi ah oo ku saabsan waxyaalaha uu u baahanyahay qofka soo gelootiga cusub ahi, si uu sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah ula qabsado suuqa shaqada, tusaale ahaan barashada luqadda, qiimaynta shahaadada, waxbarasho ama tababarasho shaqo. La qabsiga aasaasiga ah waxa ku jira bulsho-barasho qasab ah oo laga baranayo qiyamka aasaasiga ah iyo warbixin ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka qofka. Lacagta la siiyo dadka cusub waxa lagu xidhayaa qorshaha aasaasiga ah, waxaana u shardi ah ka qaybqaadasho firfircoon.

Moderat-ku waxa ay doonayaan

  • In ay siiyaan dadka ku nool takoornaanta fursado ay leeyihiin oo ay isku furfuraan. Shaqada iyo is masruufiddu waa furaha arrinkaas.
  • In ay dadka debedaha ku dhashay uga dhigaan wax faa´iido leh in ay kaalmada cayrta uga baxaan dhinaca shaqada, taas oo ku imanaysa in hoos loo dhigo catabadaha si dhexgalka bulshada Iswiidhan u fududaado.
  • In laga shaqeeyo fursado fiican si loo xukumi karo oo loo qiimayn karo waxbarashada iyo jaamacadaha dadka debedda ku dhashay.
  • In SFI-ga lagu bedelo Startsvenska, barasho luqadeed oo jihaysan oo ka duulaysa waxbarashada iyo shaqada laga rajaynayo Iswiidhan.
  • In soo gelootiga cusub si firfircoon la isu waafajiyo suuqa shaqada, isla marka ay sharciga degenaanshaha helaanba.
     
Moderat-ka iyo dhinaca: dhinaca bay´ada iyo cimilada

Siyaasadda bay´ada ee moderat-ku waxa ay ku salaysantahay aasaaska ah dhaqaalaha sayladda. Waxa aanu rumaysannahay in wada shaqaynta caalamiga ah iyo horumarka farsamadu yihiin hababka ugu waxtarka badan xagga ka shaqaynta cimilada. Isla markaas xil ayaa ka saaran saamaynta cimilada dhammaan dadka iyo waddamada. Himiladayadu waa in qaac siidaynta Iswiidhan wadarteedu noqoto eber sanadka 2050.

In la noqdo tusaale wanaagsan

Iswiidhan waxa ay goor hore la qabsan doontaa shuruudaha taxaddiyada dhinaca bay´ada. Taasi waxa ay ina siinaysaa dheerayn marka layna barbar dhigo waddamada weli sugaaya. Waxa aynu leenahay fursado wanaagsan oo aynu dadka kaga horrayno oo aynu ugu noqonno tusaale wanaagsan sida taxaddiyada cimilada loo qaabilayo, taasna waynu samayn doonaa. Xiitaa wakhtiyada ay jiraan dhibaatooyinka dhaqaale, waxa aynu horraysiin doonaa su´aalaha bay´ada.

Qof kasta oo shakhsi ah masuuliyaddiisa

Sida aynu ugu guulaysanno arrimaha bay´ada waxa ay ku xidhantahay doorashada iyo dhaqanka qof kasta. In ay bay´adu tahay su´aal caalami ah, marmarsiinyo uma noqon karto in la iska xooro masuuliyadda shaqsiyadeed iyo ta qarameed. Waxa aanu rumaysannahay doonitaanka dhammaan dadka ee sida saxda ah . Bulshada rayidka ah awooddeeda ayaa la istticmaali doonaa si loo difaaco bay´ada iyo si loo maamulaba.

Kobcinta dhaqaalaha si loo helo bay´ad wanaagsan

Waxa aanu marka hore samayn doonaa waxqabadyada ugu raqiisan oo sida ugu wax ku oolsan hoos ugu dhigaya qaaca warshadaha. Isku xidhnaantii taariikhiga ahayd ee ka dhaxayn jirtay koboca dhaqaale iyo qaaca warshadaha waa la kala goyn doonaa. Waa ta ay Iswiidhan ku tahay tusaalaha wanaagsan. Isla markii aynu yaraynay boqolkiiba sagaal qaac siideynteena, waxa uu dhaqaaleheenu kordhay boqolkiiba 40. Koboca dhaqaale wuxu abuuraa fursad ah maalgelino bay´ada u fiican.

Taxaddiga bay´adu waa caalami

Dawladdu waxa ay u aragtay in ay Iswiidhan yeelato siyaasadda dhinaca cimilada ee ugu hammiga sarraysa adduunka. Waxa aanu yarayn doonaa boqolkiiba 40 qaac siideynteena qaybaha aan ku jirin ganacsiga EU-da ee xuquuqda qaac siideynta. Siyaasadda isbahaysiga ee israacsan ee dhinaca cimilada iyo tamarta waxa ay fududaynaysaa soo koritaanka tamarta la cusboonayn karo, waxaanay kor u qaadaysaa dardargelinta tamarta, sidoo kale waxa ay dallacaysaa qorashka in la sii daayo qaaca kululaynaya hawada. Waddamo badan ayaa ku dayanaya tusaalaha Iswiidhan si loo yareeyo ka maaran la´aanta shidaalka qadiimka ah Taxaddiga cimiladu waa caalami, waana in lagu qaabilo xalal caalami ah. Waxa aanu rabnaa in ay Iswiidhan sii waddo ahaanshaha mid sii riixda ka wada shaqaynta in waddamada caalamku ay galaan heshiisyo caalami ah oo ay ku caddahay dhimitaanka qaac siidayntu.

Cidda hawada wisikhaysa ayaa bixinaysa

Ka shaqaynta in ganacsiga EU-da ee xuquuqda qaac siideynta la horumariyo si uu u quseeyo laamo badan iyo waddamo badan iyo weliba in la adkeeyo bixinta xuquuqd qaac siideynta, ayaa waxaanu rabnaa in sicir cad loo dejiyo qaac siideynta. Qaybaha aan soo hoos gelahayn ganacsiga EU-da ee xuquuqda qaac siideynta, waxa lagu soo rogayaa cashuuridda kaarboon-dhay-ogsaydh-ka iyo cashuuraha kale ee cimilada si qaac siideyntu qarash u yeelato. Isla markaa waxa aanu rabnaa ku dhiirrigelinta dadka in ay u dhaqmaan si cimilada u fiican ayadoo la siinayo abaalgudyo iyo cashuur dhimid kala duwan.. Sidoo kale siyaasadda wuxu xil ka saaranyahay in sharci dejinta dhinaca bay´adu noqdo mid firfircoon oo si sahlan loo fahmi karo.

Gaadiidka iyo bay´ada

Dhammaan noocyada gaadiidku waxay u socdaan goolka ah in la yareeyo isticmaalka shidaalka qadiimka ah, waxana waddooyinka haddaba saaran gaadiid ka xoroobay shidaalka qadiimka ah laakiin horumarinta shidaallada iyo gaadiidka cusub waa in la sii wadaa. Sidaas darteed waxa aanu rabnaa in la adkeeyo qeexitaanka baabuurta bay´ada iyo weliba in EU-du ay shuruudo cadcad ku xadayso baabuurrada yaryar iyo gaadiidka waaweyn qaac siideyntooda. Gaadiidka badda iyo dayuuraduhu waa in cashuuro iyo gadashada xuquuqda qaac siideynta ay ku qaataan qarashaadka bay´ada, sidaana ay ku dhimaan qaac siideynta. Siyaasaddayadu waa in xoogga la saaro in si tartiib tartiib ah loo kordhiyo dardargelinta nadaamka gaadiidka, in la joojiyo ka maaran la´aanta shidaalka qadiimka ah iyo in la yareeyo saamaynta cimilada. Lama dagaallansanin baabuurka ee waxa aanu la dagaallamaynaa qaac siideynta.

Moderat-ku waxa ay doonayaan

  • In waddamada caalamku ay galaan heshiisyo ay ku yaraynayaan qaac siideyntooda.
  • In qaac siideynytu yeelato qarash ah cashuur cimilo iyo ka ganacsiga xuquuqda qaac siideynta oo horumarsan.
  • In xoogga la saaro cilmi-baadhista iyo horumarinta farsamada bay´ada.

Xisbiga Moderaterna iyo: daryeelka caafimaadka

Daryeelka caafimaadku waa qayb muhiim ah oo ka mid ah barwaaqo-sooranka Iswiidhan. Siyaabo badan wuxu caalamka kaga jiraa meel sare. Shaqaaluhu waxay leeyihiin waxbarasho badan, heerka caafimaadkuna waa mid aad u sarreeya. Waxase jira arrimo la sii hormarin karo. Tayada daryeelka caafimaadku way kala duduwantahay qaybaha kala duwan ee dalka, wakhtiyada la sugaaa weli way dhaadheeryihiin, waxana jira kala duwanaansho aan la aqbali karin oo u dhexeeya daryeelka caafimaad ee la siiyo ragga iyo dumarka.

Haddaanu nahay xisbiga Moderaterna waxanu rabnaa daryeel caafimaad oo lagu maalgeliyo cashuur oo tayo wanaagsan leh, dadkoo dhamina u simanyihiin isla markaana baahidu xukunto. Qofka bukaanka ah ayaa mar walba xoogga la saarayaa, waxananu rabnaa in laga faa´iidaysto dadaalka iyo aqoonta shaqaalaha.

Daryeelka caafimaadku waa in uu noqdo mid caddaalad , sinnaan iyo helitaan-ogaan badan leh. Dhammaan dadweynaha Iswiidhan waxay xaq isku mid ah u yeelan doonaan daryeel caafimaad oo wanaagsan, ayadoo aan la fiirinayn dhaqaalihiisa, degmada uu degenyahay, nin iyo naag ka uu yahay, da´diisa, qoomiyadda uu ka soo jeedo ama aqoontiisa luqadeed.

Mustaqbalka- waa inay shaqaalaha iyo bukaankuba yeeshaan saamayn intan ka weyn.

Waxanu ka shaqaynaynaa in laga xoojiyo xaalka bukaanka dhinacyo badan sida xaq u lahaanshaha in daryeel caafimaad lagu helo wakhti macquul ah, xaq u lahaanshaha in la doorto jihada daryeelka bixinaysa iyo xaq u lahaanshaha in shuruud lagu xidho nabadgelyada iyo aqoonta. Fursadda ah in qofku doorto dhakhtarka iyo xarunta caafimaadka ee uu rabo, waxay siinaysaa dadka saamayn weyn oo ay ku yeeshaan xaaladdooda. Waxay kaloo abuuraysaa ka qayb qaadasho, waxaanay inaga dhigaysaa dhammaanteen qaar dadaal dheeraad ah gelinaya arrimaha barwaaqo-sooranka. Hadafkayagu waa daryeel caafimaad oo ina siinaya xasillooni leh tayo sare iyo helitaan-ogaan wanaagsan.

Waa kulanka dhex maraya bukaanka iyo shaqaalaha, meesha laga abuurayo tayada, xasilloonida iyo nabadgelyada. Sidaas darteed shaqada aannu ku hagaajinayno daryeelka caafimaadka, waxanu ka duulaynaa in aanu siinno shaqaalaha saamayn weyn oo ay ku yeeshaan arrimaha shaqadooda. Shaqaaluhu waxay badiyaa hayaan fikrado ku saabsan sidii xaaladda shaqada lagu wanaajin kari lahaa, wax alla wixii la hagaajin karo ha yaraato ama ha weynaatee. Laakiin badankoodu waxay dareemayaan inay adagtahay in firkadahooda laga dhagaysto xagga sare ee maamulka. Fikrado fiicfiican oo faro badan ayaa ku hakada meel dhexe oo ka mid ah jidka nadaam-xafiiseedka qallalan. Jidad go´aan gaarid oo gaagaaban iyo agaasime goobjooge ahi, waa inay noqdaan wax caadi ka ah daryeelka caafimaadka dhexdiisa.

Tayo fiican oo dhinaca daryeelka caafimaadka ah

Xisbiga Moderaterna waxay rabaan in ay soo rogaan higsashada yoolka eber oo ah dhinaca dhaawacyada daryeelka caafimaadka, taas oo la mid ah yoolka eber ee u degsen dhaawacyada gaadiidka. Si halkaa loo gaaro, waxanu rabnaa in jihooyin badan laga hawlgalo.

Shaqaaluhu waa inay wakhti badan u helaan bukaanka. Waxa lagu gaadhi karaa in shaqaalaha caafimaadka laga yareeyo culayska maamul iyo in sidoo kale hababkii iyo nadaamyadii shaqo ee hore lagu bedelo habab waxtar leh oo cusub. Dadka ka shaqaynaya caafimaadka waxay hawsha maalinlaha ah u leeyihiin aragti khaas ah oo aanay u lahayn saraakiisha shaqada ama siyaasiyiintu. Waxay ogyihiin caadooyinka shaqo ee jira iyo kuwa loo baahanyahay in la hagaajiyo. Sidaas darteed waxay noo tahay wax dabiici ah in ka shaqaynta caafimaad nabadgelyo badan leh oo tayo sare leh ay ka bilaabanto in shaqaalaha la siiyo saamayn weyn oo ay ku yeeshaan goobtooda shaqo.

Intaas waxa dheer, in la xoojiyo kontoroolka caafimaadka. Waxanu rabnaa in madaxda dhammaan heerarka kala duwan ee caafimaadku ay si cad xoogga u saaraan ka hortagga dhaawacyada caafimaadka, waana in ay jirto dheelli tirnaan macquul ah oo u dhaxaysa mas´uuliyadda shakhsiga ah ee shaqaalaha wax daryeelaya iyo mas´uuliyadda shaqo-bixiye ahaan ee isbitaalka.

Xisbiga Moderaterna waxay rabaan:

  • In daryeelka caafimaadku noqdo mid ay sahlantahay helitaankiisu oo nabadgelyo ah oo caddaalad ah oo sinnaan leh.
  • In ay shaqaaluhu saamayn ku yeeshaan nolol-maalmeedkooda iyo xaalad shaqo oo wanaagsan.
  • In la xoojiyo xorriyadda doorashada iyo fursadaha saamayn yeelashada.

Texten finns även i pdf-format. Filerna finns att ladda ner längst ner på sidan.

Ladda ner vår valbroschyr på ditt språk

Klicka ovan för att läsa vår valbroschyr på somaliska eller ladda ner en utskriftvänlig version av broschyren

Kontaktuppgifter Tel: 08 - 676 80 00   Mail info@moderat.se   Adress Stora Nygatan 30, Box 2080, 103 12 Stockholm   Webbmaster webmaster@moderat.se